Posts

Faaidada uu leeyahay wax aqriska

 Wax aqrisku wuxuu door aad iyo aad uweyn ka qeyb qaataa guulaha ardayga iyo qof walbo oo doonayo inuu hormarsiyo naftiisa. Wax aqrisku wuxuu sidoo kale ka qeyb qaataa fahamka iyo hal abuurka uu leeyahay qofka. waxaa lasheegaa qofba qofka uu ka aqris badanyahay wuu ka aragti wanagsan yahay qofka kale. Markii aad tahay qof wax badan aqriya waxaad dareemeysaa in maalinba maalinta ka dambeysa maskaxdada kobcitaan iney sameyneyso. Wax aqriskaaga markuu bato waxaad wax badan ka fahmeysaa waxyaabo adiga aad umaleyneysay iney kugu adagyihiin hadane si caadi ah kula noqdo. wadamada aduunka ugu hormarsan waa kuwa dadkiisu ugu wax aqriska badan taas oo ay micnaheedu tahay wax aqrisku inuu yahay waxa ugu weyn ee qof nafsadiisa qiimo kaga yeeli karo. Faaidada wax aqriska: 1: Wax aqrisku wuxu kor uqaadaa oo kordhiyaa caqliga. garaadka iyo maskaxda. Garaadka waa xubin kamid ah xubnaya aadanaha uu leeyahay wuxuna ubahanyahay mar walbo in la kobciyo waxaana kamid ah waxyaabaha lagu kobciyo wax aqriska