Faaidada uu leeyahay wax aqriska
Wax aqrisku wuxuu door aad iyo aad uweyn ka qeyb qaataa guulaha ardayga iyo qof walbo oo doonayo inuu hormarsiyo naftiisa. Wax aqrisku wuxuu sidoo kale ka qeyb qaataa fahamka iyo hal abuurka uu leeyahay qofka. waxaa lasheegaa qofba qofka uu ka aqris badanyahay wuu ka aragti wanagsan yahay qofka kale. Markii aad tahay qof wax badan aqriya waxaad dareemeysaa in maalinba maalinta ka dambeysa maskaxdada kobcitaan iney sameyneyso.
Wax aqriskaaga markuu bato waxaad wax badan ka fahmeysaa waxyaabo adiga aad umaleyneysay iney kugu adagyihiin hadane si caadi ah kula noqdo.
Faaidada wax aqriska:
1: Wax aqrisku wuxu kor uqaadaa oo kordhiyaa caqliga. garaadka iyo maskaxda.
Garaadka waa xubin kamid ah xubnaya aadanaha uu leeyahay wuxuna ubahanyahay mar walbo in la kobciyo waxaana kamid ah waxyaabaha lagu kobciyo wax aqriska badan.
2: Wax aqrisku waxuu baabi'iyaa jahligu.
Jahligu waa cudur balse ah cudur daawo leh, daawadiisuna ay thy cilmiga.
3: waxaa adag in laga guuleysto qofka wax aqriskiisu uu badanyahay waayoh wuxuu heyaa macluumaad badan oo difaac u noqon kara.
4: Hal abuur nafeed.
qofka wax aqriska badan lama mid ahan qofka aan waxba aqrin wayoh mar walbo wuxu doorbidaa siduu unoqon lahaa qof wax kuso kordhiya buldshadiisa.
Comments
Post a Comment